Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel oo arrimaha Qaxootiga kala heshiisay xisbiga SDU

1328

Hogaaminayaha dalka Jarmalka Angela Merkel, ayaa xisbiga ay walaalaha yihiin ee (SDU) Social Democrat Union kala heshiisay siyaasada maaraynta Muhaajiriinta, iydoo dhaleecayn wayn ay kala kulantay siyaasadda furnaanta ku dhisan ee ku aadan qaxootiga, sidaa waxaa ku waramaya warbaahinta dalka Jarmalka.

Heshiiskan ayaa asal ah in Mss Merkel xisbigeeda (CDU) Christian Democrat Union, uu helo dowlad wadaag ah maadaama ay ku guul daraysatay in ay hesho Aqlabiyadda Baarlamaanka doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacay.

Xisbiga ay kala heshiisay Merkel in dowladda ay la wadaagto oo loo arko xisbi walaalo la ah kan talada haya ayaa waxaa uu doonayaa in la dhimo tirada muhaajiriinta loo ogolaanayo inay dalka soo galaan.

Waxa ay horay u diideen siyaasadda Merkel ee qaxootiga, maadaama sanadihii lasoo dhaafay dalka ay u ogolaatay in qaxootiga soo galaan xaddidaad la’aan, islamarkaana dalka ay soo galeen 2015 kii in ka badan 1.3 milyan oo qof kuwaasi oo badankooda ah qaxooti ka soo jeeda Barriga dhexe.

SDU, oo ah xisbi ka soo jeeda Gobalka  caanka ah ee Bavarian-ka ee dalka Jarmalka ayaa hoos u dhac ka soo wajahay doorashadii dalkaasi, ayagoo taageerashooda qaar ka mid ah la sheegay in ay u codeeyeen xisbiga cunsuriyadda ku dhisan ee middigta fog ee la yirahdo AFD.

AFD ayaa guushii ugu waynayd Taariikhda Casriga ah ee Jarmalka ka gaaray doorashadii sanadkan ayagoo helay 12.6% kuraasta baarlamaanka Jarmalka, taasi oo dharbaaxo wayn oo siyaasadeed ku ah xisbiyada walaalaha ah ee SDU iyo CDU, labadaasi oo ah kuwa hadda ku midoobaya xukuumadda federal-ka ah ee dalkaasi.

SDU, ayaa doonaya in la xaddido qaxootiga sidoo kalena dalka loo ogolaado 200,000 oo qaxooti ah sanad walba, siyaasaddaasi oo u muuqata in ay ka gadantay Angela Merkel.

Inkastoo wadahadalladu ay yihiin kuwo wali soconaya ayaa haddana wararku waxaa ay tilmaamayaan in hogaaminayaha Jarmalka aanu doonaynin in qaxootiga xaddidaad wayn la saaro, taasi badelkeeduna aysan markale dhici doonin in dalka uusan u qaabili doonin qaxootiga qaabkii 2015-kii.

Xisbiga Merkel ayaa helay 38.8% kursi baarlamaan inkastoo hoos u dhac boqolkiiba 10% ah uu soo wajahay taasi oo ku qasabtay inay la xaajooto xisbiga ay siyaasad ahaan ay isu xigaan ee SDU.

Sida looga kala guulaystay kuraasta baarlamaanka Jarmalka ama uu u egyahay

Waxaa la filayaa in sidoo kale wadahadal ay la furto xisbiga dhanka ganacsiga u janjeera ee la yirahdo (FDP).

Wariyaasha ayaa ku soo waramaya in Merkel ay dhibaato badan ka haysato inay heshiiso qaar aan xisbigeeda u cuntamaynin ay la gaarto, ayadoo horay u sheegtay howl adag ay soo wajahday.

Muxuu yahay xisbiga Middigta fog ee guula soo hooyay

AFD,  Alternative für Deutschland  ayaa waxaa la aas-aasay April 2013 kii, xaruntiisa waa Schillstraße 9. Waxaa ku guuldaraystay inuu guulo keeno doorashooyinkii hore.

Sanadkan doorashooyinkii dhacay waxaa ay bog cusub ay ka fureen Taariikhda dalkaasi Jarmalka ka dib markii ay heleen 90 kursi baarlamaan.

Waa maxay siyaasadihiisa

Siyaasad ahaan waa xisbi cunsuri ah, isagoo ah mid ka soo horjeeda Islaamka iyo Qaxootiga.

Waxaa uu ku siyaasad yahay loona arkaa inay walaalo yihiin xisbiyada cunsuriyiinta  ah ee ka dhisan dalalka Yurub, kuwaasi oo kala ah

(Far-right National Front)oo ka dhisan dalka Faransiiska, (Far-right Freedom party)  oo ka dhisan dalka Austria,  (anti-Islam Dutch Freedom party) oo ka dhisan (anti-EU party) UKIP, oo ka dhisan UK.