Sridevi Kapoor, oo aktarad ka tirsan Bollyood-ka dalka Hindiya ayaa ku geeriyootay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka carabta.
Sridevi, waxaa istaagay wadnaha, xilli ay ka qeyb galeysay guurka mid ka mid ah qaraabadeeda, sidaasi waxaa ay saxaafadda u sheegay qaar ka tirsan qoyskeeda.
Aktraddan Sridevi Kapoor, oo muddo dheer ku jirtay Bollywoodka, waxaa ay jishay in ka badan 300 oo filim, waxaa ay ku geeriyootay da’da 54 jir.
Sridevi, waxaa ay dhalatay August 13, 1963, filimaanta waxaa ay ku soo gashay yaraanta, kuwooda ugu muhiimsan waxaa ka mid ahaa: “Mawaali” (1983), “Tohfa” (1984), “Mr. India” (1987), “Chandni” (1989), “Lamhe” (1991) iyo “Gumrah” (1993).
Ra’iisal wasaaraha Hindiya Narendra Modi, madaxda axsaabta, aktarrada filimada Bollywoodka iyo shacabka Hindiya ayaa ka tacsiyeeyay geerideeda.