Askar ka tirsan ciidanka xuduudda Hindiya oo gaaraya sadddex ayaa ku dhintay isku dhac Shiinaha iyo Hindiya ku dhexmaray xadka labada dal sidaas waxaa sheegtay dowladda Hindiya.
Dhanka kale dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ciidanka Hindiya ay xuduudda ka tallaabeen oo ay weerar ku qaadeen fariisimaha ciidankooda ee xuduudda.
Warbaahinta gudaha Hindiya ayaa ku warrantay in sarkaal iyo labo askari oo Hindi ah lagu dilay isku dhac labada dhinac oo ka dhacay habeenkii Isniinta Galwan Valley oo Kashmir ka tirsan.
Saraakiil sarsare oo labada dhinac ah ayaa kulsan si ay xiisadda qaboojiyaan sida laga soo xigtay war saxaafadeed ay soo saareen ciidanka Hindiya.
Dhanka kale Hindiya ayaa sheegtay in uu jiro khasaaro soo gaaray Shiinaha , wallow aysan sheegin tirada khasaaraha Shiinaha.
Ciidamada labada dal ayaa marar kala duwan isku hor fariistay xuduudda labada dal oo ay ku muransanyihiin, waxaana bishii May jiray isku dhac kooban oo ku dhexmaray xadka lagu mursanyahay ee kala qaybiya Hindiya iyo Shiinaha.