Hindiya oo dibloomaasiyiin Pakistan u dhashay basaasnimo u ceyrisay

547
Hindiya oo dibloomaasiyiin Pakistan u dhashay basaasnimo u ceyrisay. Sawirka mid hore ( AFP file photo)

Wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya ayaa 24 saac u qabatay in ay dalka uga baxaan labo dibloomaasi oo reer Pakistan kuwaas oo ka shaqeynayay safaaradda Pakistan ee Hindiya.

Labada dibloomaasi ayay dowladda Hindiya ku eedeysay in ay ka qayb qaadanayeen hawlo basaasnimo, waxaana la qabtay iyaga oo la kulmaya qof ay xog ka raadinayeen.

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in labadoodaba ay ka tirsanaayeen Hey’adda sirdoonka Pakistan oo loo tababaray uruurinta xogta. Waxaa si gaar ah loo xusay in ay ku hawlanaayeen xogo la xiriira ciidanka Hindiya iyo khadadka tareenada Hindiya.

Mid ka mid ah labada sarkaal oo qaabilsan visaha ama dal ku galka ayaa shaqadaas ka dhigtay mid uu ku gambado isaga oo ku jiray hawlo basaasnimo siday ku warrantay warbaahinta Hindiya.

Dhanka kale dowladda Pakistan ayaa iska diidday eedda Hindiya waxayna ku eedeeyeen Hindiya in ay xirtay jirdishayna dibloomasiyiin ka tirsan safaaradda Pakistan ee magaalada New Delhi ee caasimadda Hindiya.

Waxaa kale oo ay Pakistan Hindiya ku eedeysay in horay u sii qorsheysay faafinta warbaahinta si loo xoojiyo dacaayadda ka dhanka ah Pakistan.