Hindise sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Golaha Naafada Qaranka oo la ansixiyay

728

Muqdisho ( UM) – Senatorada Golaha Aqalka sare ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha iyadoo ajendaha  akhrinta labaad ee hindise-sharciyeedka dhismaha Hey’adda Golaha Naafada Qaranka.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka, Deeqa Yaasiin, iyadoo fadhiga guud ee Aqalka Sare ay soo xaadireen 31,mudane.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka Diinta iyo Awqaafta iyo Xuquuqul Insaanka ee Aqalka Sare, Sanetor, Samsam Ibraahim Cali, ayaa xildhibaannda Aqalka sare ka codsatay in la dadejiyo  Dhismaha Sharciga hey’adda Naafada Qaranka, taas oo muhiim u ah dadka baahiyaha gaarka ah leh.

Xildhibaannadii ku sugnaa fadhiga ayaa isku raacay in la meel mariyo sharciga dadka naafada ah, iyadoo cod Gacan taag ah lagu meel mariyay.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayaa ku dhawaaqay Natiijada Ansixinta Sharciga Dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka Soomaaliyeed.

Hindise sharciyeedkaan ayaa muhiim ah dadka baahiyaha gaarka ah iyagoo aad soo dhaweeyay meel marintiisa.