Muqdisho (UM) – Guddiga Kheyraadka Biyaha ee Golaha Aqalka Sare ayaa maanta horgeeyay xubnaha golaha Aqalka akhrinta 2aad ee Hindse Sharciyeedka Kheyraadka Biyaha.
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kalfadhiga 4-aad kulankiisa 2aad ayaa warbixin ku saabsan Hindise Sharciyeedka Biyaha ka dhageystay Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Biyaha Qaranka,Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka Senator Ilyaas Cali Xasan.
Gudoomiyaha Guddiga ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedka Kheyraadka Biyaha uu ka soo gudbay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu hadda muddo dhawr iyo taban bilood ah horyaalo Golaha Aqalka Sare mudadaasina Guddiga uu kullamo talo uruurin ah la yeeshay xubno metalayay Dowlad Gobolleedyada,Khubaro dhanka biyaha,sharciyaqaano iyo ururada Bulshada rayidka ah si ay talooyinkooda ugu biiriyaan.
Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Biyaha ayaa tilmaamay in ansixinta sharcigaan uu muhiimad gaar ah u leeyahay shacabka Soomaaliyeed,islamarkaana uu rajo wanaagsan ka qabo in xubnaha Golaha Aqalka sare ay ansixin doonaan si loo dhaqan geliyo toddobaadka soo socda.
Haddii la ansixiyo sharcigaan, ayaa waxaa la dhisi doonaa hay’adda maareynta Kheyraadka Biyaha Qaranka oo mas’uul ka noqonaysa qorsheynta, maareynta, isticmaalka iyo ilaalinta kheyraadka biyaha.
Guddiga Kheyraadka Biyaha ee Golaha Aqalka Sare ayaa 3-dii bishii May ee sanadkaan ku qabtay xarunta Golaha Aqalka kulan ujeedkiisu ahaa dhageysi dadweyne oo looga hadlayay Hindse Sharciyeedka Kheyraadka Biyaha kaasi oo ay ka soo qeybgaleen wakiilo ka socday dowlad goboleedyada, bulshada rayidka, aqoonyahano iyo sharciyaqaano dhanka Kheyraadka Biyaha ah.