Hey`adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in gabi ahaanba hey`adda laga saaray taliye kuxigeenkii hore Cabdalla Cabdalla oo horay xilka looga qaaday.
Warkaan la soo dhigay barta twitterka ayaa lagu sheegay in markii ay fariisteen guddi loo saaray arrinta Cabdalla Cabdalla ay go`aamiyeen in uusan ka sii mid ahaan karin hey`adda oo aan lagu aamini karin shaqo qaran oo xasaasi ah.
Kadib waraysi uu bixiyay Gen. Abdalla Abdalla kuna sheegay eedeymo, waxaa loo saaray guddi baara qaladaadka xasaasiga ah ee ka horimaanaya hanaanka shaqo & danaha qaran, wuxuu gudigu gartay, inuusan u qalmin kasii mid ahaanshaha NISA laguna aamini karin shaqo qaran oo xasaasi ah.
— NISA (@HSNQ_NISA) September 1, 2018
Ka saaridda Cabdalla Cabdalla ayaa waxaa sababay kaddib markii uu wareeysi uu aad ugu dhaliilay hoggaanka NISA siiyay idaacadda VOA laanta Afka Soomaaliga ah.
Cabdalla Cabdalla ayaa ahaa taliye kuxigeenkii labaad ee NISA muddo lix sanno ah, waxaana dhawaan shaqo joojin ku sameeyay taliayha hey`adda,iyada oo markii danbena xilki laga qaaday.
Taliyaha laga saaray NISA ayaan wali ka falcelin warka soo baxay ee looga saaray hey`adda sirodonka iyo nabadsugidda oo uu muddo ka mid ahaa taliyaasha ugu sarreeya.