Hey’adda IMF oo taageertay Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya

77
Kristalina Georgieva Agaasimaha Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF oo sheegtay in ay taageereen dadadaalada deyn cafinta Soomaaliya. Reuters

Agaasimaha Hey’adda Sanduuqa lacagta Adduunka ee IMF Kristalina Georgieva
ayaa sheegtay in ay taageereyso deyn cafinta Soomaaliya oo loo marayo barnaajimka hey’adda IMF ee dalalka saboolka ee deymaha saa’idka lagu leeyahay.

War qoraal oo ay soo saartay kaddib kulankii ay Washington kula yeelatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay ka sheegtay in Soomaaliya  ay ka go`antahay sameynta dib u habeyn kale oo dheeri ah.

Soomaaliya ayaa deyn ahaan waxaa loogu leeyahay 4.7 Bilyan oo doollarka Mareykanka ka ah  taas oo u dhiganta boqolkiba boqol wax soo saarkeeda gudaha, taas oo  Sanduuqa dalalka aadka u qaameysan uu ku sheegay mid aan la sii wadi karin.

Agaasimaha Hey’adda IMF ayaa sheegtay in  Ra’iisul Wasaaraha u ballanqaaday taageerada buuxda ee hey’adda ee deyn cafinta iyo waliba sida ay Soomaaliya uga mid noqon lahayd Sanduuqa u gaarka ah dalalka saboolka ah ee deymaha badan lagu leeyahay si ay Soomaaliya u hesho kaalmooyinka maaliyadeed ee laga maarmaanka u ah deyn cafinta iyo waliba dhaqaalaha ku baxaya hawlaha deyn cafinta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirta sidoo looga cafin lahaa deymaha faraha badan ee Soomaaliya adduunku ku leeyahay.

SHARE