
Dhuusamareeb: Shirkii magaalada Dhuusamareeb uga socday Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Gobolka Banaadir ayaa xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Shirka Dhuusamareeb oo socday 15-19 Agoosto ayaa lagu gorfeeyay arrimaha Doorashooyinka dalka iyo habka ugu wanaagsan ee nuuc doorasho dalku ku aadi karo.
Shirkaan ayaa dhammaadkiisa waxaa laga soo saaray qoddobo muhiim ah oo ku saabsan hannnaanka Doorashooyinka 2020/2021 iyo qaabka loo qabanayo.
Shirka ayaa waxaa ka maqnaa oo aan ka qeybgalin madaxda dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu rajaynayo in heshiiska doorasho ee ku gaareen Dhuusamareeb Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir inuu dalku u horseedo doorasho hufan, Xisbiyo badan oo waqtigeeda ku dhacda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay inuu gacan u fidinayno madaxda shirka ka maqnaa intii wadatashigu socday.
“Gacan ayaan u fidinaynaa walaalaha naga maqanaa intii aan hawshan ku jirnay”. Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Hoos ka akhriso Heshiiska Shirka Madaxda DowladdaFederaalka & Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir:
Dhuusamareeb, 21ka Ogoosto, 2020:
Wareegii sadexaad ee wadatashiga Madaxda Qaranka ee arrimaha Doorashooyinka 2020/21 ee horey loogu heshiiyey Shirkii Dhuusamareeb laba ayaa ka dhacay Magaalo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb muddadii u dhaxaysay 15-19 Ogoosto, 2020. Waxaase xusid mudan in la sheego in Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland aysan shirka soo qayb galin taas oo Madaxa shirku aad uga xunyahiin.
Shirkan wadatashi waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo shirka guddominayey iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ay ka midka yihiin Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye-Qoorqoor oo shirka marti galiyey, Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasis Xassan Maxamed Laftagareen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).
Waxaa iyana shirka qayb ka ahaa Guddiga Farsamada oo kala mataleyey Dowlada Federalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Sida ku cad Warmurtiyeedkii Dhuusamareeb, Guddiga Farsamada waxaa loo idmadey in ay ka soo baaraandagaan qaababka doorasho ee ugu haboon ee suurtogal ka dhigi kara in doorasho wakhtigeedi ku dhacda oo heshiis lagu wada yahay dalka ka qabsoonto 2020/21, kadibna taladooda u gudbiyaan Madaxda Qaranka si ay go’aanka ku haboon uga qaataan.
Iyagoo ka duulaya waajibaadkooda shaqo, Guddigu waxay 8 Agoosto 2020 bilaabeen qorshe hawleedkoodii ku aadanaa xal u helida arrimaha loo idmadey. Wada tashi baahsan oo ay layeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, Xisbiyada Siyaasadeed iyo Beesha Caalamka kaddib, Guddigu waxay wada tashi iyo falaanqeyn dheer kaddib Madaxda Qaranka u gudbiyeen saddex qaab doorasho oo ay kamid tahay mid ku salaysan Ergo Deegan doorasho: (Electoral constituency caucuses).
Madaxda qaranka waxay si qoto dheer oo taxadar ku jiro wadatashi uga yeesheen qaababkii doorasho ee ay Guddigu u soo gudbiyeen waxayna ugu danbayn madaxda qaranka ee shirka ka soo qayb gashey isku raaceen:
1. In qaabka doorashada 2020/21 noqoto mid Deegan Doorasho ah (Electoral constituency caucuses)
2. In Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka-GMDQ oo kaashanaya Maamulada Dowlad Goboleedyada fududeeyan dhisida Guddi xulis oo loo dhanyahay oo ka kala imanaya Odayaasha iyo Bulshada Rayidka ah ee ka soo jeeda beesha wadaagta kursiga.
3. In Ergada kursi kasta noqoto 301 oo ka imanaysa beesha kursiga wadaagta.
4. In Dowlad Goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar (4) deegaan doorasha oo ay ka dhacdo doorashadu
5. In codbixiyeyaasha 3dii ilaa 5tii kursi ee hal goob doorasho wada yaala la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhamaan musharaxiinta xisbiyada ee ku tartamaya kuraastaas.
6. In doorashadu kawada dhacdo dalka oo dhan hal maalin oo isku mid ah.
7. Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinak Qaranku-GMDQ waxay kuraasta lagu asteeyey deegaan doorashooyin aan amni ahayn u wareejin karaan deegaan doorasho kale oo amni ah.
8. In kuraasta Soomaaliland lagu doorto qaab doorasho dadban.
9. In qorsheynta iyo fulinta doorashada looga danbeeyo Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) iyagoo kaashanaya Maamulka Dowlad Goboleedyada iyo Bulshada rayidka ah.
10. In doorashada lagu galo hannaanka xisbiyada badan.
11. In Baarlamaanka Dowlad Goboleedyadu doortaan Aqalka Sare.
12. In heshiiskan loo gudbiyo Golaha Shacabka si uu sharci u noqdo.
13. Si doorashada wakhtigeeda ugu dhacdo waxaa la go’aamiyey in GMDQ dardargaliso hirgelinta doorashada.
14. Madaxda shirka waxa ka go’an in ay sii wadaan dadaalka xal u helida tabashooyinka ku aadan arrimaha doorashooyinka 2020/21 ee ay qabaan labada Dowlad Goboleed ee shirka ka maqan, waxaana rajeyneynaa in ay nagula soo biiraan wixii hawl ah oo dhiman.
15. In la ilaaliyo 30%-ka saamiga Haweenka
16. Wuxuu shirku u mahad celin iyo boogaadin u jeedinayaa Madaxweynaha iyo shacabka Galmudug soo dhaweynta iyo martigalinta shirka.
17. Sidoo kale shirku wuxuu u mahad celinayaa Beesha Caalamka oo mar walba dadka Soomaaliyeed lagarab taagan taageero dhan walba ah.
SAXIIXAYASHA HESHIISKA DHUUSAMAREEB
1. Madaxweynaha Jamuuhiriyada Federalka Soomaaliya
Mudane: Maxamed Cabdulahi Maxamed Farmaajo_______________________
2. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug
Mudane: Ahmed Cabdi Kaariye-Qoorqoor_______________________
3. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed
Mudane: Cabdicasiis Xasan Maxamed-Laftagaren ________________
4. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle
Mudane: Maxamed Cabdi Waare __________________________
5. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho
Mudane: Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ___________________