
Magaaladda Garoowe ee Puntland ayaa waxaa maanta oo Arbaco ah lagu soo gaba gabeeyey shir looga hadlayay dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo mideyn lagaa canshuuraha guud ee dalka.
Shirka waxaa ka qayb galay Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Federalka ah ss Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Wasiirada Maaliyadda Dowlad gobaleedyada ka jira dalka iyo xubno kale.
kulanka ayaa hadallo kooban waxaa ka jeediyay Wasiiradda Maaliyadda Dowlad gobaleedyada, iyagoo ka hadlay faa’iidada ay leeyahay isku xirnaanta Maamulada iyo Dowlada dhexe ee ku aadan dhanka dhaqalaha, in la wadaago kheyraadka guud iyo deeqaha Dibadda ay ka hesho Dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya.
Shirkaan ayaa waxaa soo xiray Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale beyle.
Waxaa uu sheegay in qodobo dhowr ah laga soo saaray shirka ay magaaladda Garowe ku yeesheen, isaga oo xusay in Heshiis guud laga qaatay in si siman loo qaado canshuuraha ay qaadaan Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada.
Wasiir Bayle, ayaa tilmaamay in Shirkan kiisa xiga lagu balamay in lagu qabto Magaaladda Kismaayo oo xarun ku meel gaar ah u ah maamulka Jubaland.
Wasiirka Maaliyadda Maamulka Jubbaland ayaa qaadatay mas’uuliyadda iyo gogasha shirka lagu wado inuu ka dhaco magaalada Kismaayo.