Heestii: Maanta waa dharaar wacan ee wasiir Bayle

3200
Dr. Cabdiraxmaan Beyleh Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya

Dadyohow Somaliyeed ,Jumca wanaagsan

Nabad, nolol wacan, iyo arooryo suubban ayaan idiin rajeynayaa dhammaan, illayn waad u qalantaane!!

Ku soo dhawaada sugaantan gaaban

Heestii:  Maanta waa dharaar wacan

Dhoomaha culayskii

Dheel-dheelligaygii

waxan qaw ka dhacay beri

Dhawr laba tobnnnad bay

Hadda sare u dhaaftoo

Samirkaygii dheeraa

Dhibta aan dugsanayiyo

Waxa dhaawac igu yaal

Dhamac iyo dab igu shidan

Dhaxantiyo kulaylaha

Labadaba u jilib-dhigay

Hebeloow wax ii dhiib

Iyo dhawrto qaayibay 

Waxan dheelallaababa

Hadday guuli dhalatoo

Dheemaalku nuurkii

Wac-wacdiyo dhaalalkii

Midabbada is dhalan roga

Dhab u soo ceshaday oo

Seermaweydo dhalatee  

Dheeraad nin doonnoow

Dhaarbbaa ka taallo

Dhici doonimaysee

Dhagartiyo waxyeellada

Kugu dhaafi maynnee

Dhidib iyo hoggaan baan

Kugu dhuujin doonnaa

Adnna teello hay dhigan

Waxba teello hay dhigan

Anni teello hay dhigan

Ninkii midho dhunkaaleed

 Dheef  waxan ku gelinayn 

Himilada dhulkiisiyo

Sharaftiisa dhaafsaday 

Dhubuq-dhubuqda sheekada

Dharaar iyo habeenkeed

Afka gacanta hoos dhigay

Wixii uu wacdaro dhigay

Sidii loola dheygagy

Xumaatuu dhitaystiyo

Hadba dhiillo mehersaday

Waxaas oo dhibaata ah

Iyo weliba dhii-dhii

kuwa aan ku dhaatiyo

Dhallinyaro ha ulatee

Sooyalku hay dhigo

Maanta waa dharaar wacan

Hadduun baa dhalaadkii

Dhaymaha la saaroo

Dhulku noo iftiimoo

Dhaan negeey fooshoo

Dhirtu wada magooshee

Dheeraad nin doonoow

Dhaqankii xumaa iyo

Adoo haanta dhabaqsaday

Amma dhiilka heensaday

Dhag-dhagiyo haddi sacab

Dad ku so dhaweyn jiray

Taasi wey dhammaatoo

Dhaarbaa ka taalloo

Dhici-doonimaysee

Adna teello hay dhigan  

Waxba teello hay dhigan

Dr. Abdirahman Beileh

November 17, 2018