Hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha ee dalka Ingiriiska iyo kuwo Carbeed ayaa dalbaday in la kansalo warqadda casuumaadda dhaxal sugaha boqortooyada dalka sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan uu Ku booqanayo dalka Britain.
Isbahaysi xuquuqda Aadanaha u dooda oo ay Ku jiraan u ololeeyayaasha ka soo horjeeda ganacsiga Hubka (CAAT) loo soo gaabiyo ee UK, iyo urur carbeed oo xuquuqda Aadanaha u dooda ee ka howl-gala UK, oo la yirahdo (AOHR) Arab Organisation for Human Rights— ayaa warqad u diray ra’iisul wasaaraha dalka Britain, Teresa May.
Warqadda ayaa Haweenayda hogaamisa UK waxaa looga dalbaday in ay joojiso booqashada dhaxal-sugaha Sacuudiga la filayo inuu Ku tago Britain.
Waxaa ay ugu baaqeen inay kansasho warqadda casuumaadda Maxamed bin Salmaan.
“Booqashada Mr. Salmaan kuma jirto danta Qaranka UK, iyo dadka uu dhibaataynayo Maxamed Salmaan. Yuusan soo booqan UK” ayay warqadda ku sheegeen sida uu Ku waramay TV-ga AlJazeera laantiisa afka Ingiriiska.
” Sacuudi Carabiya… Waxaa uu haystaa diiwaanka ugu xun Adduunla ee dhanka Xuquuqda Aadanaha. Ciqaabaha Xarigga iyo xad-gudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha ayaa ah kuwa ugu badan ee laga diiwaan galiyay Sacuudiga” ayaa warqadda lagu yiri, taasi oo loo diray ra’iisul wasaaraha Britain.
” Ceeb ayay ku tahay dadka iyo dalka Britain inuu taageero Kaligii taliyaha Naxriista daran (brutal dictator) kaasi oo hub u Ooman” ayaa sidoo kale lagu yiri warqaddaasi.
Dowladda Britain, ayaa Sacuudiga Ku taageersan dagaalka ay kula jirto Xuuthiyiinta dalka Yemen.
Sacuudiga oo wata xulafo ayaa sanadkii 2016-dii olole duqayn ah ka bilaabay dalka Yemen.
Xukuumadda London, ayaa sharciyay in Sacuudiga ay ka gadaan Hub qiimihiisa lagu sheegay £4.6 billion oo ah lacagta Geniga Ingiriiska taasi oo u dhiganta ($6.3bn) oo Dollar.