Hawlihii hakadka ku jiray ee dowladda Mareykanka oo dib loo furay

418
Madaxweyne Trump ayaa saxiixay hindise sharciyeedka ogolaanaya in hawlaha dowladda dib loo furo muddo saddex toddobaad ah. Sawirka: Reuters

Golaha Senate Mareykanka ayaa jimcihii si aqbaliyad ah ugu codeeyay hinsidaha sharciyeed ogolaanaya in dib loo furo hawlaha dowladda Mareykankaoo muddo 35 bari ah hakad ugu jiray khilaaf u dhaxeeyay Madaxweyne Trump iyo xisbiga Dimuqraadiga kaasi oo ku saabsanaa in Miisaaniyadda lagu darayo lacag gaareeysa 5.7 oo doollar oo lagu maalgalinayo darbiga laga dhisayo xuduudda Mareykanka iyo Mexico.

Seneta-ka ayaa meel mariyay hindise sharciyeed uusan ku jirn arrintii muranku ka dhashay ee maalin galinta darbiga laga dhisayo xuduuddda Mexico, waxaana taas badalkeeda la fasaxay hey’addaha kale ee dowladda in ay mushaarkooda siiyaan shaqaalaha dowladda oo in badan ay ka xayirnaanyeen mushaaraadkooda.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu dhameynayo murankii u dhaxeeyay xisbiga Dimuqraadiga ah iyo xisbiga Jamhuuriga oo si ku meel gaar ah oo ku eg 15 Febraayo u joojinaya hakadkii ku jray hawlaha dowladda Mareykanka oo si weyn u saameysay  hey’addo badan oo ka tirsan dowladda Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa dhanka kale sheegay in koox labada ka madaxbannaan oo labada xisbi ah ay ka wada hadli doonaan sidii loo heli lahaa xal amni oo ku aaddan xuduudda Mareykanku la leeyahay dalka Mexico.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa ka jiray hakadkii ugu dheeraa ee ku yimaada hawlaha dowladda Mareykanka, kaddib markii labada xisbi oo kula xooggan aqalka wakiiladda iyo aqalka odayada ay ku fashilmeen in ay isku raacaan lacago la doonayay in lagu maalgaliyo dhismaha darbiga xuduudda Mexico oo Madaxweyne Trump uu si weyn u doonayay, dimuqraadiguna ay diidanaayeen.

Waa hakadkii ugu dheeraa abide ee soo mara dalka Mareykanka.

SHARE