Haweenka Soomaaliyeed wali waxay dareemayaan xaqiraad

2842
Members of Somali CSOs women attending consultation meeting in Mogadishu. Photo: BRA

Muqdisho (UM ) – Iyada oo  maanta ay tahay maalinta caalamiga ah ee haweenka ayay Ummadda Media wareysi ay la yeelatay dad kala duwan ku ogaatay in xuquuqda haweenku aysan aheyn mudnaanta koowaad ee dowladda iyo bulshadaba. Taas beddelkeeda waxay  qabaan inta badan dadka aan wareysiga la yeelanay in haweenka si loo xaqirro ama xaqqooda loo duudsiiyo , xitaa kuwa u shaqeeya dowladda oo xuquuqaha shaqaalaha ay iska cad yihiin.

‘‘ Xuquuqda haweenka ma ahan mudnaanta koowaad xilligaan, mana noqon karto ,amniga iyo saboolnimada dartood, laakiin awood siinta dumarka ayaa muhiim u ah gaarida labadaan’’.Sidaas waxaa tiri Caaisha oo ah macalimad ku sugan Muqdisho.

‘‘Dhibta jirta ayaa ah in dumarka wali yihiin  kuwa la aqbalo in ay bulshada ka mid noqdaan, aan se la awood siin , sidoo kalena dhinac loo riixo . ‘Ilmaha waan nagula aamini kara, go’aanada waaweeyn se maya.’’ Sidaas waxaa raacisay Nuura oo iyadana ah Macallimad kale.

Haweenka aan wareysanay ayaa ku dooday in  siyaasadda, ganacsiga, iyo ammaanka ay yihiin meelo ay maamulaan raggu, oo raggu aysan siin haweenka fursad ay uga mid noqdaan oo ay ka ciyaaraan door hoggaamineed. Waxaa jirtay rajo laga qabay  in qoondada 30% ee haweenka xildhibaannada la siiyay doorashadii u danbeeyay ay wax badali doonto, hasa yeeshee dadweynihii aan wareysanay ayaa qaba in aysan wax isbedel ah keenin qoondadu.

‘‘Qoondada 30% lama gaarin, haweenka ku yimidna waa kuwo lahaa galaangal iyo xiriiro kala duwan.Kuwa yar oo ah matalayaasha haweenka Soomaaliyeed ee dhabta ah ayaa la doortay.’’ Canab Maalin oo ah ganacsato ku sugan suuqa Bakaaraha ayaa sidaa ku  aragti dhiibatay. Inta badan haween xildhibaannada ah ma oga dhibaatooyinka rasmiga ah ee ay qabaan haweenka Soomaaliyeed ayay sii raacisay.

Badi  haweenka ayaa aad u dhaliilay ganacsiga gaarka ah oo ay sheegeen in uu takooro haweenka.

‘‘Shirkadaha waaweyn  ma jecla in ay qof dumar shaqo siiyaan si kasta oo ay  wax u baratay.Wareysi shaqo oo ay ila yeelatay shirkad waxaa la ii sheegay in aan fiicanahay ,laakiin se maadaama aan guursanayo oo aan carruur dhalayo aan keeno qof qaraabada ah oo badalkeyga ka shaqeeya shaqadaas sidaas waxaa ugu yiri shirkad weyn oo Soomaaliyeed. Sacdiya oo ah ardayad dhameeysay maadada ganacsiga oo shaqo la,aan ah ayaa sidaa gocatay. Sidaan waa iska caadi ,anigana ma ihi qofka kaliya oo ay ku dhacday.

Ummadda Media oo la hadashay sarkaal u qaabilsan shaqaaleysiinta shirkadaha gaarka ah ayaa qiray eedda Sacdiyo qabto.

‘‘Inta badan shirkadahaan gaarka loo leeyahay waxaa leh qoysas doorbidaya ragga maxaa yeelay ragga waa kuwo la isku halleeyn karo oo inta badan taageera qoysaskooda. Sidaa darteed ganacsatadu waxay qabaan in ay xukumi karaan ragga’’ Sidaas waxaa noogu xog warramay sarkaal dhinaca shaqaaleysiinta oo intaas kusii daray’Ragga lama guursado, mana dhalaan waxay milkiiyaaashu u arkaan kuwa uu fududyahay maamulkoodu.

Caqabadaha hor taagan dumarka Soomaaliyeed ma ahan oo kali ah kuwa ay ka masuul yihiin raggu,laakiin waxaa sidoo kale masuul ka ah dumarka oo aan isku dayeyn in ay ka horyimaadaan sida xaaladu tahay .

‘’Dumarku ayaa markasta ku jira tartan dhexdooda ah intii ay xooga saari lahaayeen duminta qaab dhismeedyada dib u celinaya. Dumarka Soomaaliyeed waxay noqdeen daneystayaal, kuwa meel sare gaarayna kuwa kale ma caawiyaan.’Cadawgeena waa gudaha, ma ahan bannaanka’’. Sahra Axmed oo ah u dhaqaaqe haweenka ayaa sidaas tiri.

‘’Meeqo xildhibaano haween ah ayaad aragteen oo u dagaalamaya xuquuqda dumarka? Inta badan xildhibaannadaan waxay ka fakaraan xilalkooda waxa ay helaanna waxay siiyaan carruurtooda ama saaxiibadood. Hibo Aadan oo ah ardayday jaamacadeed ayaa sidaas ku fikir dhiibatay.’Magacaabida wasiirro badan oo dumar ah marnaba wax uma tarin dumarka.

Arrinta kale oo aad loo hadal hayay ayaa ah tartanka ka dhaxeeya haweenka gudaha iyo kuwa Qurba-joogta.Inta badan haweenka gudaha ayaa qaba aragtida ah in haweenka qurbo joogta ah ay qaateen dhammaan waxyaabihii nacfiga lahaa oo ay wax yar soo reebeen.

‘‘Siyaasad,ganacsi, shaqooyinka dowladda, hay’adaha caalamiga, xitaa guurka , dumarka qurbo joogta ah ayaa  wax kasta ka qaadanaya dumarka gudaha. Sidaa waxaa inoogu sir waramay shaqaale dowladeed oo aan jecleysan in magaciisa la sheego.’’ Mar kasta ma ahan aqoon kaliya in ay wax ku helaan,waxay se ku helaan dhaqanka iyo kalsoonida ay qabaan oo u ogolaaday in ay dhex geli karaan raga iyo hey’adaha deeqaha bixiya ee caalamiga ah.

Inta badan bulshadii kala gadisneeyd ee aan wareysanay ayaa aaminsan in maalinta haweenka ay tahay uun mid macag u yaal ah oo aan haddii aan lagu darin ficil noqoneysa mid aan micno laheyn. Dowladda Soomaaliya ayay isku raaceen in ay u yaalaan waxyaabo kale oo ka muhiimsan sida amniga,hase ahaatee waxay ugu baaqeen dumarka Soomaaliyeed in ay midoobaan oo si wadajir ah u raadsadaan xuquuqdooda, sidoo kale door hoggaamineed ka ciyaaraan siyaasadda Soomaaliya iyada oo wali ay jiraan dhaqanka Soomaalida oo xaqiraya ama xaqooda duudsinaya dumarka.