Haweeneey ku nool degmada Ramanathapuram ee ka tirsan Gobolka Tamil Nadu ee Koonfurta Hindiya ayaa iska jartay foodda carrabkeeda si ay u fuliso ballan ay horay u gashay oo ahaa inay carrabkeeda jari doonto haddii uu tartanka kursi ugu sarreeyo Gobolka Tamil Nadu ku guuleysto hoggaamiyaha xisbiga DMK MK Stalin.
Haweeneyda ayaa wacad ku martay inay carrabkeeda ugu yaboohi doonto ilaaheeda haddii xisbiga ay jeceshahay uu guuleysto. Kaddib guushii xisbiga ee doorashada Gobolka Tamil Nadu ayay haweeneyda oo 32 jir ah kana soo jeedda qoys taageersan xisbiga DMK waxay fulisay ballankii, sida uu qoray Wargeyska The New Indian Express.
Isniintii ayaa la helay iyada oo miyir lahayn taalana halka laga galo macbad Hinduuga. Si weyn ayay uga dhiigbaxeysay afka , iyada oo dhinaceeda laga helay cadkii carrabkeeda oo ay yabooha ku bixisay oo yaalla halka macbadka laga galo.
Isbitaalka ayaa haweeneyda la dhigay waxaana dhaqtarku sheegay inaysan qabin dhaawac halis ku ah nafteeda.
Xisbigaan DMK ayaa ah xisbi Goboleed ay si weyn iskaga soo horjeedaan xisbiga talada Hindiya haya ee BJP oo ah.