Haweeney 104 sano jir ah oo u dhalatay dalka Indonesia ayaa noqotay qofka ugu da’da weyn ee sanadkan xajinaya, waxaana casuumaad u fidiyay Boqortooyada Sacuudiga, sida ay ku warantay wakaaladda wararka dalka Sacuudi Carabiya.
Haweeneydan oo lagu magacaabo Mariya Marqani Maxamed ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay sanadkan ka mid noqoto dadka xajinaya, xili ay warbaahinta la hadashay wax yar un ka dib markii maalinimadii Sabtiga ay kasoo degtay garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee King Abdulaziz oo ku yaala magaalada qaddiimiga ah ee Jidda ee dalka boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Mariya Marqani Maxamed, ayaa hada ka hor cumreysatay, iyadoo 90 jir ah, dalka Indonesia ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee Soo xajiya sanad walba.
Saraakiil ka tirsan Qunsuliyadda dalka Indonesia, ee Sacuudi Carabiya, ayaa sheegtay in Haweeneydan caafimaadkeeda uu aad u wanaagsan yahay, isla markaana ay awoodo inay gudato waajibadka Xaj-ka.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanka Sacuudiga ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan haweeneydan 104 jirka ah oo ka mid noqotay dadka ugu da’da weyn ee sanadkan xajinaya.
Waxaa uu sheegay in arrin cajiib ay tahay in da’da 104 lagu xajiyo, waxaana ay u rajeyeen haweeneydan inay sanadkan ku xajiso si wanaagsan.
Sanad walba ayaa waxaa Xajka laga diiwaan geliyaa dhacdooyin taariikhi ah, oo soo jiita warbaahinta caalamka.
Joko Asmoro, oo ah guddoomiyaha ururka Xaj-ka iyo Cumrada reer Indonesia, ayaa majaladda Saudi Gazette, u sheegay in 37dii sano ee lasoo dhaafay ay xajiyeen in ka badan 3.2 Milyeen oo ruux oo kasoo jeeda dalka Indonesia.
Dadka reer Indonesia, ayaa ka mid ah dalalka ka fog dalka Sacuudiga ee Xaj-ka kaga baxaya lacagta ugu yar ayagoo bixiya $1,000 Kun Dollar, waxaana sidoo kale ay ku qaadataa inay Sacuudiga gaaraan duullimaad gaaraya 10 sacadood oo xiriir ah.
Wakaaladda wararka dalka Sacuudiga Saudi Press Agency, (SPA) ayaa sheegtay in sanadkan daafaha Caalamka ay ka soo Xajiyeen 1.5 Milyeen oo ruux.
Dadka Xujayda ah ayaa sanadkan 33% kordhay marka loo eego Xujaydii 2016 kii.