Kooxo hubaysan oo ka tirsan kooxaha Taalibaan iyo Daacish ayaa la sheegay in ay dad badan Ku laayeen dalka Afghanistan.
In ka badan 50 qof oo ay ka mid yihiin haween iyo carruur ayaa la dilay sida ay Reuters u sheegeen saraakiisha amaanka dalka Afghanistan.
Weerarkan dadka badan lagu laayay ayaa waxaa uu ka dhacay gobalka lagu magacaabo Sar-e Pul.
Zabihullah Amani, oo ah afhayeenka gobalka Sar-e Pul ayaa Reuters u sheegay in dagaalyahano hubaysan oo ay ka mid yihiin kuwo ajaaniib ah ay weerareen in 30 Guri ayna Ku xasuuqeen in ka badan 50 qof oo shacab ah.
Dadka la waayay ayaa dhammaantood kasoo jeedaa qowmiyadda Shiicada ah ee Hazara ee dalkaasi.
“Dadka waxaa loo laayay qaab ka baxsan bani’aadanimada, waxaa la dilay Habeen, Carruur iyo dad da’ ah” sidaa waxaa sheegay afhayeenka gobalka dhibaatadu ay ka dhacday.
Kooxda xasuuqa ka dambaysay ayaa la sheegay inay isugu jireen Daacish iyo Taalibaan, hase ahaatee Taalibaan waa ay beenisay inay Ku lug leedahay dhacdadaasi, ayagoo Ku tilmaamay wararka ayaga Ku eedaynaya kuwo Kutiri-kuteen ah.
Sanadkan oo Kali ah waxaa Afghanistan lagu dilay in ka badan 1,662 qof oo shacab ah sidoo kalena lagu dhaawacay 3,581 kale