Muqdisho (UM) – Hantidhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali ayaa war qoraal ah ka soo saaray warbixintii Guddiga hoosaadka Golaha Shacabka ee Maaliyadda oo dhawaan ku eedeyay wasaaradda Maaliyadda maamul xumo Maaliyadeed iyo musuqmaasuq.
Warka qoraalka ah ee ka soo baxay xaafiiska Hantidhowraha Guud ayaa loo diray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyadoo la ogaysiiyay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Qoraalka jawaabta u ah warbixinta Guddiga Maaliyadda ee ka soo baxay xaafiiska Hantidhowraha Guud ayaa lagu sheegay in walaac uu ka qabo xaafiiska Hantidhowrka warbixinta ka soo baxay Guddiga Maaliyadda, isla markaana uu ahaa qoraal gudaha Baarlamaanka, balse u gudbay warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay warbixinta Guddiga shaaciyay ay ka soo hordhaceen waqtigooda, sidoo kalena aysan jirin talo ama xog hubin ah ay ka soo dalbadeen xafiisyadii u igmanaa howlahan inta aanay soo bandhigin qoraalkooda.
Qoraalka Hantidhowraha ayaa lagu sheegay sidoo kale in warbixinta Guddiga Maaliyadda ay qalbi jab ku tahay saaxiibadda deeq-bixiyaasha Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Xaafiiska Hantidhowraha ayaa ku taliyay qodobada hoos ku qoran:-
1. in dhammaan hey’addaha kala duwan ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan xafiisyadooda u qaabilsan ilaalinta iyo kormeerka maamulka Maaliyadda iyo hantida umadda ayna ka war sugaan fulinta waajibaadkooda qaran.
2. in hey’addaha dowladda ay dhowraan habraacyada maamulka maaliyadda ee dalka isla xisaabtankuna uu ku dhacaa si waafaqsan hanaanka dowladnimo.
3. in ay ciwaaqib yeelato marka la dhinac maro nidaamka dowliga isla markaana la qalqal geliyo xasillinooda iyo horumarka qaranka.
Qoraalka ka soo baxay xaafiiska Hantidhowraha Guud ayaa imanaya iyadoo dhawaan Guddiga hoosaadka Golaha ee Maaliyadda u qaabilsan ay siidayeen warbixin eedeyn loogu jeediyay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya in ay ku kacday maamul xumo Maaliyadeed iyo musuqmaasuq.
Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay xaafiiska Hantidhowraha Guud.