Halyeeyada Soomaaliyeed waxay u baahanyihiin hoggaan daacada iyo taageero dhab ah -UM

2761
Cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo ay dowladdu Turkigu Muqdisho ku tababartay. Sawirka: Villa Somalia

Muqdisho (UM) – Weerarkii la fashiliyay ee Jimcihii kaas oo sababay khasaaro soo gaaray dad shacab ah, ayaa sababi lahaa khasaare intaa ka badan haddii aysan hor hortagi laheyn ciidanka Qaranka Soomaaliyeed. Ciidanka saldhigoodu yahay agagaarka madaxtooyada ayaa si geesinimo ah mugdiga kula dagaalamayay  koox ka tirsan Shabaab oo hadafkoodu ahaa in ay galaan madaxtooyada.

Intii uu socday hawlgalka lagu difaacayo madaxtooyada waxaa naftooda ku waayay askarta qaar, kuwa kalena waa ku dhaawacmeen. Dadka Soomaaliyeed waa in ay bogaadiyaan geesinimada iyo nafti hurnimada ay sameeyeen Ciidamada Qaranka. Marka in badan oo naga mid ah ay naftooda la cararayaan, iyagu waxay taaganyihiin jiidda hore, iyaga oo u diyaar ah in naftooda ay u huraan dalkooda. Haddana geesiyaashaas wax aan loo dhigo aysan jirin waxba lama siiyo ama wax weyn ma qaataan, waxaana huggaan u ah magacaabanayaal siyaasadeed oo ah  kuwo dhaafay xilligoodii ugu fiicna ee waxqabad, ama aan u qalmin hoggaaminta ciidanka.

Caqabada amni ayaa Soomaaliya ka dhigeysa mid sabool ah oo dadkeeduna rajo beel ku dhacay. Inkasta oo aysan dhicin wax weeraro waaweyn ah tan iyo dhacdadii Naaso hablood hotel oo ay kasii horreysay musiibadii qaraxii Zoobe, haddana waxaa wali jira cabsida laga qabo weeraro kale oo dhaca. Tan oo loo geeyay weerardii sida kii Jimcihii waxay na tusinee in Soomaaliya ay wali u nugushahay weerarada tooska ah oo ka dhaca magaalooyin badan oo ay ka ku jirto caasimadda.

Amniga waa mudnaanta koowaad ee dowladda Soomaaliya iyo waxa ay ku bixiso qarashka ugu badan. Haddana sida wax loogu bixiyo waxba ugama soo baxaan. Celceliska askariga caadiga ah waxa uu helaa 100 doollar iyo xoogaa raashin ah. Talisyada ciidanka qaranka ayaan lacag fiican qaadan, laakiin waxa ay si kale uga ka macaashaan waxyaabo kale sida askar aan jirin oo sharci darro ah oo u qoran sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo ku sugan wasaaradda Gaashaandhigga. Isku daygii ugu danbeeyay ee la rabay in lagu kala saaro askarta saxda ah iyo kuwa beenta ah ayaa waxaa wada wasaaradda Maaliyadda oo qaab(Biometric ah) isticmaaleysa. Habkaan ayaa askariga laga qaadayaa faraha iyo indhaha, si loo hubiyo cidda mushaarka qaadaneysa. Si aayar ah ayay hawshaas u socotaa, waana in la derdergaliyo si loo soo afjaro askarta beenta ah.

Dhanka kale, askarta Amisom waxay qaataan in ka badan 1000 doollar, waa ay ka agadb iyo raashin wanaagsanyihiin kuwa Soomaaliyeed, iyaga oo kuwa Amisom aysan galin khatar aad u badan oo hawshoodu u qaybsantahay qayb qayb. Arrintaan waa in dowlada Soomaaliyeed ay xal u keentaa, inta ay isku diyaarineyso muddada kala guurka ah oo Amisom ay baxeyso.

Ciidanka xoogga, booliiska iyo Nabad-sugidduba waa in ay wadajir u tababartaan , xoojiyaanna isweydaarsiga macluumaadka, si wada jir ahna uga shaqeeyaan amniga qaranka. Dhammaan saddexdaas laamoodba waxay wajahayaan caqabadaha isku mid  ah oo kala ah maalgalin la’aan, qalab xumo iyo tababar la’aan. Sidaa darteed, ma ahan in ay waqti ku lumiyaan tartan micno darro ah, iyaga oo wajahaya cadaw ay ka go’antahay in uu fashiliyo si uu waxyeelo u gaarsiiyo dadka iyo qaranka Soomaaliyeed.

Bahwadaagta Soomaaliyeed waxa ay si hagar la’aan ah u taageereen waaxyaha amniga ee Soomaaliya. Hase ahaatee waxa ay ku fashilmeen mideeynta tababarada la siiyo laamaha amniga. Cunqabateynta hubka Qaramada Midoobayna waxa uu askarta Soomaaliyeed  ku qasbay in ay AK47- kula dagaallaan waxyaabaha qarxa iyo dad qaraxyo isku soo xiray.

Dowladda Soomaaliya waxay wali isku dayeysaa in askarta Soomaaliyeed oo hadda maleeshiyo reeroreero u badan ay u beddelaan ciidan qaran oo mideeysan.

waloow marar badan ay qabsoomeen kulamo u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada. Caqabadan waa in si degdeg ah looga gudbaa haddii ay Soomaaliya dooneeyso xasilooni dhab ah.

Halyeeyada Soomaaliyeed, oo ah askarta Soomaaliyeed waxay muujiyeen geesinimo aan ganbasho laheyn iyaga oo difaacaya Soomaaliya. Dhiiranaantooda iyo naftii hurnimadaba marnaba lama iloobi doono. Haddii-se geesinimada iyo kartida ay muujiyeen aysan helin hoggaan shaqeeya, waxay noqoneeysaa wax kasta oo ay sameeyeen dhacdo ku kooban hal mar oo aan wax badan oo horumar ah keenin. Tani waa in aan la ogolaan in ay dhacdo maxaa yeelay waxay astaan u noqonee naf meel cidlo ah ku baxday, mana ahan horumarka ay rajeynayaan shacabka Soomaaliyeed.

SHARE