Wasiirka Arrimaha gudaha Federaalka Cabdi Faarax Juxa oo war-murtiyeed u akhriyay warbaahinta wuxuu sheegay in lagu heshiiyay Qodobo kala ah, arrimaha Siyaasadda, Amniga, dhismaha ciidamo Qaran, doorashada 2020ka, arrimaha federaalaynta dalka iyo dhamaystirka Dastuurka federaalka iyo iswaafajinta dastuurada maamul goboleedyadda.
Shirka waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaaho, Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ahna guddoomiyaha guddiga iskaashiga maamul goboleedyada iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabit
Madaxweyne Farmaajo wuxuu khudbadiisa ku sheegay in nuxurka heshiiskan uu yahay in madaxdu ay fahamsan yihiin masuuliyada iyo xilka ka saaran shacabku inay ka shaqeeyaan danaha dadka, dalka iyo diinta.
Waxaa uu tilmaamay in xaaladda maanta dalku ku suganahay aysan saamaxayn kala qaybsanaan, kalsooni darro iyo kala shaki madaxda soomaalida dhexdooda ah, dalkuna u baahan yahay baraarug, dadkanu waxay naga sugayaan inaan wado wanaagsan u hoggaamino ayuu yiri
“waxaanu ku heshiinay inaanu isku tanaasulno, waxaanu ku heshiinay inaan is aamino, waxaanu ku heshiinay sidii loo ciribiri lahaa kuwa maalin walba shacabkeea xasuuqaya” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo
Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa khudbadii ku bilaabay fariin uu u diray waxa uu ugu yeeray cadowga Soomaaliyeed, waxaan auu sheegay in madaxda Soomaalida iyo shacabkuba ay go’aan ku gaareen inay la dagaalamaan, Khudbadiisa wuxuu kaloo ku sheegay in madaxdu isla qaada dhigeen in dalku uu helo xasilooni siyaasadeed
“ hadii uuna dalku helin xasilooni siyaasadeed, cadowgana kama hortegi karno, kamana guulaysan karno, Xili kasta in afar sanno naga dhunto, micnaheedu waxaa weeye waxaanu cunaynaa mustaqabalka afarta sanno ee jiilasha soo socda, waxaanu waqtigooda isticmaalaynaa dadka hadda nala joogin, fikir ku lahayn go’aamada aanu gaarayno, go’aanka aan gaarayno iyaga waxba kuma laha, laakiin saamayn ayuu ku yeelanaya” ayuu yiri Gaas.
Khudbada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Khudbadda Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Khudbada guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Taabi Cabdi