Guul aan sugneyn oo xilligeedu gaaban yahay faa’iido malahan – UM

1000

Muqdisho (UM) – Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta u dabaaldageysa howlgalo ay guulo ka sheegteen oo ay ku qaadeen fariisimo ay gacanta ku hayeen kooxda Al-Shabaab. Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya waxay sheegtay in ciidanka xoogga Soomaaliyeed ay tuullooyin badan oo ku yaala gobalka Shabeellada Hoose ay ka qabsadeen Al-Shabaab. Waxaa intaasi sii dheerayd sida Warsaaradda Warfaafintu sheegtay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen booyad ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa, midaas oo ay taliska ciidanku sheegeen in lala maganaa in lagu qarxiyo caasimadda Muqdisho. Ummadda Soomaaliyeed waxay midani u tahay war dhiirigalin leh – guul kasta oo laga gaaro amniga waa mid mudan soo dhaweyn, balse guusha waa in aanay ahaan mid kala daadata oo xilli gaaban ku soo idlaata.

Mar kasta oo dareenka shacabka uu kaco, oo ay ugu wacantahay qaraxyo iyo dhibaatooyin amni oo is xig-xiga, dowladdu waxay ku dhawaaqdaa inay fullin doonto howlgallo ay uga jawaabeyso amni-darada. Holwgalkani ugu dambeeyay waxa kaa muuqata inay dowladda dhankeeda ka sameysay horumar marka loo eego dhulalka ay dowladu sheegtay in dib  uga soo celisay Al-Shabaab, balse guusha amniga kuma koobna soo celinta dhul oo kelliya. Waxaase ka sii muhiimsan in dhulk oo kelliya Al- Shabaab laga saaro, in ay dowladdu xajiso ayna la shaqeyso dowlad Goboleedyadda gacanta ku haya dhulka laga xoreeyay Al-Shabaab, si loo dhiso, isla markaasna loo xoojiyo maamul wanaaga. Dowladda Soomaliya waxay ku hanan kartaa qalbiyadda iyo tageeradda shacabka ku nool degaanadda laga saaray Al-Shabaab, inay ka hirgaliso adeegyadda aas-aasiga ah ee lagama maarmaanka u ah nolosha bini’aadanka. Shaki kuma jiro in ay shacabka Soomaaliyeed tageero u hayaan nidaam iyo dowlad wax ka qabta baahiyaha kala duwan ee ay qabaan, balse dowladda Soomaaliyeed dhankeeda waa inay ka soo baxdaa kaalinta dowladnimo ee kaga aadan shacabka ay mas’uulka ka tahay.

Dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto Al-Shabaab maaha mid si sahlan ku soo afjarmi kara. Dagaalku waa mid wajiyo badan oo iskugu jira mid mab’da iyo cudud ciidan, sidaas darteed oo kelliya xal militari maaha mid welwelka iyo rajo xumida ka saari kara shacabka Soomaaliyeed. Si loo joogteeyo guulaha dhanka howlagaladda militari, waa in la gaarsiiyaa nidaamka dowliga ah goobaha cusub ee soo gala gacanta dowladda, iyadoo ay barbar socoto degdejinta dib u habeynta ciidanka militariga Soomaaliyeed. Maanta, ciidanka Soomaaliyeed maaha kuwa ka aradan dhiiranaan iyo geesinimada ay ugu adeegaan dalkooda iyo dadkooda, balse waxaa ka maqan tababar buuxa, sanaad militari, isgaarsiin iyo hogaankii lagama marmaanka u ahaa hagidda iyo tayeynta ciidanka. Meel kasta oo uu ku daatay dhiiga ciidanka Soomaaliyeed, iyagoo difaacaya danta Soomaaliyeed, maaha in dhulalka ay sida naf-hurnimada leh ku soo celinayaan ay dib ugu noqdaan gacanta kooxihii laga saaray.

Dadka Soomaaliyeed waa inay kalsooni ku qabaan dowladooda, dowladda Soomaaliyeed dhankeedana, waa inay muujisaa inay u qalanto amaanadda shacabka Soomaaliyeed u dhiibteen, oo ay ka gudubtaa fikirka ku saleysan in howlgal militari iyo waddooyin la xiro oo kelliya uu yahay xalka dib loogu soo celin karo amniga dalka.