Gudoomiyihii hore ee Banaadir Thaabit Abdi oo aqbalay Xilka qaadistii lagu sameeyay

2571

Taabid Cabdi Maxamed ayaa aqbalay xil ka qaadistii lagu sameeyay, isagoo u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Yariisow.

Thaabit ayaa shaaciyay inuu si rasmi ah u aqbalay Xilka qaadistii uu Madaxweyne Farmaajo ku sameeyay, isagoo dhanka kale ku baaqay in xayiraadda laga qaado Aqalka dowladda hoose ee Xamar.

Shirka Jaraa’id ee uu caawa ku qabtay Caasimadda Muqdisho ayuu ugu dhawaaqay inuu soo dhaweynayo go’aanka Madaxweynaha ee xilka looga qaaday, waxaana uu ugu hambalyeeyay Eng Yariisow, Gudoomiyaha magacaaban ee isaga lagu bedalay.

Dhanka kale, Thaabit ayaa ku baaqay in dib loo furo dhaq-dhaqaaqa dadweynaha qeybo kamid Muqdisho, lana soo afjaro xiisadda siysaadeed ee ka dhalatay xilka qaadistiisa, oo ka dambaysay khilaaf isaga iyo Villa Soomaaliya soo kala dhexgalay.

Thaabit ayaa xilka Gudoomiyaha gobolka Banaadir loo magacaabay bishii April ee 2017, isagoo bedelay Yuusuf Madaale kadib markii uu qeyb ka qaatey Ololihii Madaxweyne Farmaajo bishii Febuary 8, 2017.

Ugu dambeyntii Taabit ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Banaadir inay ka shaqeeyaan amniga isla markaana aan wax khalkhal ah la gelin isagoo si gaar ah u xusay in laga dulqaado ciidamada xarunta dowlada hoose.