Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ahna Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb galay munaasabad la isku isku-xusuusinayey musiibadii Qaran ee 14-kii Octoobar 2017.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo diyaar garoobo xuska maalintan si loo xasuusiyo shacabka Soomaaliyeed.
“14-kii Octoober 2017 waxay ahayd maalin madow oo kooxda manaxayaasha ay dhibaato xoog-leh u geysatay shacabka Soomaaliyeed, Ilaahay waxaan uga baryaynaa inuu naxariistiisa ka waraabiyo dadkii naftooda ku waayay, kuwii ku dhaawacmayna caafimaad siiyo, Waana in loo midoobaa Argagixisada oo caadeysatay xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.”
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in loo diyaar garoobo sidii maalintan loo xusuusin lahaa dadka Soomaaliyeed, isla markaana meel looga soo wada-jeesto dhibaatada ay maleegayaan argagixisadu.
Weerarkii 14-kii October ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho ayaa galaaftay nolosha in ka badan 600 oo ruux, kadib markii gaari xamuul ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu ku qarxay isgoyska Soobe oo aheyd meel aad u saxmada badan.
Munaasabadda ayaa waxaa hadallo ka jeediyey qeybaha bulshada ee ka qeybgalay munaasabadda, waxayna dhammaantood caddeeyeen falkii naxariis daradda ahaa ee dhacay 14-kii Octoober oo ay ka soo wareegatay muddo sannad ah.