Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS oo magacaabay guddi soo diyaariya sharciga doorashooyinka Soomaaliya

112

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Caddiraxmaan ayaa magacaabay Guddi ku-meelgaar ah oo soo diyaarin doona Sharciga doorashooyinka Qaranka.

Warqad kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu magacaabay Guddiga KMG ah oo ka kooban 15 xubnood,kuwaas oo diyaarin doona Sharciga doorashooyinka Qaranka,waxaana guddigaan dhamaantood ay ka tirsan yihiin Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Caddiraxmaan ayaa Magacaabista Guddigaan ku shegay kadib markii ay timid baahi loo qabo in la hubiyo Sharcigaan in uu yahay mid ay qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed raali ka yihiin.

Hoos ka Akhriso Magacyada Guddiga uu Magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Shaqooyinka ay qaban doonaan.

SHARE