Gudoomiyaha Aqalka Sare: “dagaalka Tukaraq in lagu tirmo mooyee lagu tarmi maayo”

1335
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa waxa uu markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka kasoo cusboonaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool una dhexeeya Puntland iyo Somaliland.

Cabdi Xaashi Cabdilaahi Gudoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka Tukaraq uu yahay mid dhibaato mooyee aan wax faa’iido ah wakhti xaadirkan aan laga dhaxleyn isla markaana horseedaya burbur iyo barakac.

Waxa uu sheegay in colaada kasoo cusboonaatay degaanka Tukaraq ay sababtay barakac iyo dhibaato hor leh oo soo gaartay bulshada kunool deegaanadaasi oo uu sheegay in ay yihiin kuwo haatan la daalaadhacaya dagaalo ahliya.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa ugu baaqay labada dhinac ee ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq in ay qaataan nabadda ,isla markaana ay hakiyaan dhiigga dadka walaalaha ah ee sida micno daradda ugu daadanaya dagaalka sida uu sheegay.