Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo kala diray Guddiga Maaliyadda

476

Muqdisho ( UM) – Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kala diray  xubnaha Guddiga Miisaaniyadda iyo Maaliyadda Golaha Shacabka.

Wareegto ka soo baxday Xaafiiska Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu ku saxiixnaa Guddoomiye Ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Cabdiweli Ibraahim Sheekh Mudey ayaa lagu kala diray xubnaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La-xisaabtanka  iyadoo sidoo kalena lagu sheegay in Guddoonku si degdeg ah loo soo magacaabayo Guddi Maaliyeed cusub.

Warqada lagu kala diray Guddiga ayaa lagu sheegay in ” markii ay u cadaatay Guddoonka Khilaafka ka dhex jira Guddoonka Guddiga Maaliyadda oo gaaray heer aad u fool xun,  iyo xubnaha Guddiga isku hor khilaafeen Golaha hortiisa isla markaasna aysan muuqan wadashaqeyn ay ku gutaan waajibaadka horyaala”. Kala diray xubnaha Guddiga sida ku cad warqada.

Wareegtada lagu kala diray xubnaha Guddiga Maaliyadda ayaa lagu sheegay in degdeg loo qaban doono doorashada Guddoonka cusub.

Arrintani ayaa daba socoto dood aad u adag oo sabtidii ka dhex dhacday Baarlamaanka taasi oo ka dambaysay warbixin Guddig Maaliyadda oo ku eedeeyay maamul xumo Maaliyadeed iyo musuqmaasuq wasaaradda Maaliyadda iyo hey’ada kale oo dowladda ah.

Hoos ka akhriso warqada lagu kala diray Guddiga Maaliyadda.

SHARE