Guddoonka Baarlamaanka oo raaligelin ka bixiyay warbixintii Guddiga Maaliyadda

855

Muqdisho (UM) – Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dood kulul ka yeeshay warbixintii Guddi hoosaadka Golaha Shacabka ee Maaliyadda ay dhawaan soo saareen taasi oo eedeymo culus loogu jeediyay wasaaradda Maaliyadda oo ah in ay ku kacday maamul xumo Maaliyadeed iyo musuqmaasuq.

Kulanka uu shir guddoomiyayo Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad, ayaa aad looga dooday nuxurka iyo meelaha ay warbixinta taabanaysay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Xildhibaannada warbixin faahfaahsan ka siiyay arrimaha Maaliyadda dalka isagoo ka jawaabay eedeynta loo soo jeediyay wasaaradiisa.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay oo warbixinta Guddiga Maaliyadda gefka ku tahay Xildhibaannada Baarlamaanka in loo soo gudbiyo maadama uu yiri aysan habraaca iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka aysan soo waafaqsanayn sidoo kalena Guddiga joogtada ah aysan soo marin.

Guddoomiye Cawad ayaa sheegay in Guddiga Maaliyadda oo ah Kan ugu shaqada badan Guddi hoosaadyada Baarlamaanka ay ku soo baxeen dulduleelo waa wayn, Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed uu ka raali gelinayo.

” warbixin Guddi marka Golaha la keenayo waa in ay soo martaa Guddiga joogtada ah , qodobka 12aad farqadiisa (G) ayaa sheegaysa Guddi joogtada ah waxa uu ka dooddaa go’aana ka gaaraa warbixinada Guddiyada ee looga doodi doono Golaha, lama soo marsiin, haddii aan soo marsiin lahayne haddii muran ka jiro halkaas buu ka soo bixi lahaa, waa gef annaga guddoonka ahna naga yimid adigana la idin ka raali gelinayo” ayuu yir Guddoomiye Cawad.

Guddoomiye Cawad ayaa sheegay in warbixinta Guddiga Maaliyadda aysan lahayn wax caddeymo ah oo muujinaya xubnaha ka qeybtay dirintaada, iyo sidoo kale caddeymo sheegaya ciddii la samaystay intii baaritaanka ay Guddigu samaynayeen taaasi oo uu sheegay in ay sharci darro ku tahay Guddoonka Baarlamaanka.

Kulankii maanta ayaa waxaa soo xaadiray 187 mudane waxaana soo xiray kalfadhiga Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad.

Halkaan daawo hadalka Guddoomiye ku xigeenka