Guddoonada Golayaasha sharci dajinta dalka oo Baydhabo shir uga furmay

574

Muqdisho (UM) – Magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed waxaa maanta ka furmay Shirka Guddoonka Golayaasha Baarlamaanka Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedka dalka.

Shirkaan oo uu furmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawari ayaa waxaa ka qeybgalaya Guddoonada Baarlamaanada Federaalka iyo Maamul Goboleeyadda dalka.

Shirka Guddoonka Golayaasha sharci dajinta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Goboleedka dalka ayaa la filaayaa  in lagu gorfeeyo qaabka ay u wada shaqayno lahayeen Baarlamaanada heer federaal iyo heer Gobol.

Shalay ayaa waxaa gaaray magaalada Baydhabo wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shirkaan oo horey loogu soo qabtay goobo kale duwan ayaa khilaaf ka dhexdhaliyay Guddoonada sare ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Dhawaan ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Guddoonka Aqalka Sare loogu baaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo madaxda Baarlamaanka in la joojiyo shirkaan, iyadoo lagu sheegay inuusan waafaqsanayn dastuurka Federaalka Soomaaliya.

SHARE