Baydhabo – Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa maanta gaaray magaalada Baydbabo ee xarunta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeeed. Waxaa wafdiga ku wehlinayay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Houmad iyo sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti.
Waxaa garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Baydhabo kusoo dhoweeyay mas’uuliyiinta kala duwan ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu ay ugu horeeyaan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Guddoomiyaha Golaha wakiiladda ee koonfur Galbeed Cabdulkaadir Shariif Sheekhunaa,iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladda baydhabo.
Shir jaraa’id oo ay wadajir ah u qabteen labada Guddoomiye, ayuu Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxa uu ugu horeyn Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti uu kusoo dhoweeyay magaaladda Baydhabo isagoo sheegay in mudada ay joogaan ay kulamo la qaadan doonaan madaxda Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Sidoo kale Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay Inuu yimaado magaaladda Baydhabo.
Wafdigan ayaa mudada ay joogaan magaaladda Baydhabo waxa ay kulamo la qaadan doonaan madaxda Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Sidoo kale wafdiga ka socda Jabuuti ayaa imaatinkooda dalka waxa uu ka dambeeyay ka dib markii ay casuumaad rasmi ah ka heleen dhigooda Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya si ay uga qeyb galaan furitaanka kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka oo furmaya 9ka bisha