Warqad qoraal ah oo ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Muudey ayaa lagu sheegay in shaqo joojin lagu sameeyay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux.
Khilaafka Baarlamaanka Soomaaliya ka dhex taagan oo ka dhashay Mooshinkii laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa mar gaaray heer shaqo joojin lagu samaynayo Maamulka shaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Hoos ka akhriso warqadaha shaqada lagaga joojiyay xoghayaha guud ee Baarlamaanka Soomaaliya Xabdikariin Buux