Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Cabduwali Sheekh Ibrahim Muuday oo maanta shir jaraa’iid Ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay wixii ka dhacay xarunta Golaha Shacabka.
Guddoomiye Muuday ayaa waxaa sheegay in Guddoomiyaha Mooshinka laga keenay ee Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari iyo Ku xigeenka 2 baad ee Baarlamaanka ay ciidamo keeneen xarunta Golaha Baarlamaanka islamarkaana Xildhibaanada laga hor istaagay waajibaadkii dastuuriga ah ee ay u yimaadeen xarunta Golaha Shacabka.
Waxaa intaa Ku daray in Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku xigeenka labaad ay Ku xad gubeen Dastuurka dalka.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayuu Guddoomiye Muuday waxaa uu ugu baaqay in isaga iyo hay’adaha Dastuuriga ah dib u eegaan wixii maanta ka dhacay xarunta Golaha Shacabka islamaarkaana lagula xisaabtamo dadka mas’uulka ka ayaa.
Dhanka kale taliyaasha ciidamada Booliiska, Nabad sugidda, Militariga iyo Asluubta Soomaaliya oo dhankooda shir jaraa’iid qabtay ayaa waxaa ay eedayn usoo jeediyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku xigeenka labaad .
Waxaa ay Ku eedeeyeen inay ciidamo badan la galeen xarunta Golaha Shacabka kuwaasi oo qaarkood hub la fuulay dhismaha xarunta Golaha Shacabka.
Waxaa ay tilmaameen in abaanduulaha ciidamada dowladda ay xitaa ka amar qaadan waayeen.
Baaritaan ayay sheegeen in lagu samayn doono ciidamadaasi haddii la ogaado cidda ay ka tirsan yihiina sharciga la hor keeni doono.