Guddoomiye Mursal oo laalay Go’aankii lagu kala diray Guddiga Maaliyadda

1685

Muqdisho (UM) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa wareegto ka soo baxday xaafiiskiisa maanta waxa lagu amray Guddiga Miisaaniyadda iyo Maaliyadda Baarlamaanka in ay shaqadoodii caadiga ahayd ay u sii wataan sida ugu dhaqsaha badan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay markii uu xeeray qodobo ku jira xeerhooska Golaha Shacabka iyo xisaab xirka sanadka 2017ka oo aan wali laga hawl galin iyo Miisaaniyadda dowladda ee 2019 aan wali la ansixin uu Gudddoomiyay in Guddiga Miisaaniyadda iyo Maaliyadda ay sii wataan shaqadoodii caadiga ahayd.

Guddoomiye Mursal ayaa sidoo kale faray Xukuumadda in ay u hoggaansanto shaqada Guddiyadana Golaha Shacabka ee korjoogtaynta iyo isla-xisaantanka Hey’ada dowladda, dhowraana xeerhoosaadka Golaha Shacabka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

Wareegta ka soo baxday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa imaanaysa iyadoo dhawaan Guddigaan uu kala diray Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Ibraahim Sheekh Mudey taasi oo muran badan ka dhex dhalisay Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka.

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa horey u laalay warbixin Guddiga Maaliyadda diyaariyay taasi oo wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ku eedeeysay maamul xumo Maaliyadeed iyo musuqmaasuq, taasi oo ay Wasaaraddu beenisay.

Lama oga in Guddoonka Baarlamaanka ay ku midaysan yihiin go’aanka lagu baabi’yay wareegtadii lagu kala diray Guddiga balse warqada ka soo baxday maanta Guddoomiye Mursal ee shaqada dib loogu fasaxay Guddiga waxa ogaysiin la siiyay Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo 2aad.