Guddoomiye Mursal oo la kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

140

Muqdisho – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maagalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira.

Guddoomiyaha iyo wakiilka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta labada dhinac, howlgalada wadajir ah ee AMISOM iyo ciidanka xoogga dalka ee lagu xasilinayo dalka.

Kulanka oo ka dhacay xaafiiska Guddomiyaya ee Villa Hargeysa aya sidoo kale waxa ay ka wada hadleen sharciga doorashooyinka ee horyaalla golaha shacabka.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Ambassador Francisco Caetano Madeira ayaa guddoomiye Mursal la wadaagay howlgalada ay wadaan ciidanka AMISOM, waxyaabaha ay u baahan yihiin ciidanka AMISOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya si loo soo afjaro dagaalka lagula jira Al-Shabaab.

Guddoomiye Mursal ayaa amaanay doorka ciidanka AMISOM ee Soomaaliya.

Waxaa wali ka socda qaarka mid ah gobolada dalka hawlgalka lada ka dhanka Al-Shabaab ee ay samaynaayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom.

SHARE