Muqdisho – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya, Staffan Tillander.
Kulanka dhexmaray Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Safiirka Sweden ayaa looga hadlay qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin, sharciga doorashooyinka Qaranka ee dhawaan labada Aqal ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya uu meel mariyay.
Waxaa sidoo kulanka looga hadlay qaabka iyo diyaar garowga doorashooyinka la filayo ee dalka ka dhacaan 2020-2021-ka.
Safiirka Sweden ayaa bogaadiyay meel marinta xeerka Doorashooyinka Qaranka isagoo muujiyay taageer Sweden ee dhanka Baarlamaanka iyo wadashaqeynta dowladda Federaalka Soomaaliya.
Baarlamaanka Soomaaliya oo wadajir ah ayaa dhawaan ansixiyay xeerka Doorashooyinka Qaranka oo in muddo ah dood ka taagnayd iyadoo mudda xileedka labada Aqal ee Baarlamaanka ay ka dhiman tahay muddo sanad ka yar.