Guddoomiye Mursal oo la kulmay Guddiyada dib-u-eegista Dastuurka

552
Guddoomiye Mursal oo la kulmay Guddiyada dib-u-eegista Dastuurka.

Muqdisho – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa la kulmay Guddiga Dastuurka ee Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka.

Kulanka ayaa ku saabsanaa xog wareysi la xiriira halka ay mareyso hannaanka dib u eegista Dastuurka dalka.

Waxaa sidoo kale warbixin ku aadan guulaha laga gaaray geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka iyo caqabadaha hortaagan dhamaystirka Dastuurka laga dhagaystay xubnaha labada Guddi.

Guddoomiye Mursal ayaa gabagabada kulanka bogaadiyay hawsha ay qabteen labada Guddi asagoo la wadaagay sida xal loogu heli lahaa caqabadahaas.