Muqdisho (UM) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta ka hadlay Xaaladada iyo rabshadaha ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddoomiye Mursal oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay xarigga Mukhtaar Roobow mid baal marsan sharciga maadaama aan amar maxkamadeed lagu soo qaban, ayuu yiri.
“Sida uu qabo Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, muwaadin kasta waxuu xaq u leeyahay in la diidan karo waxana dooran karo. Mukhtaar Roobowna waa muwaadin Soomaaliyeed oo buuxiyay shuruudaha looga baahanyahay musharixiinta sida ay cadeeyeen Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed oo gudoonsiiyay shahaado cadeynaysa inuu u tartami karo doorashada Koonfur Galbeed. ” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.
“Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qofna lama xirir karo xarig aan sharciga waafaqsanayn. Awoodda iyo taageerada dowladdana marnaba looma isticmaali karo meel ka dhac dhan ka ah karaamada iyo xuquuqda aadanaha. Waxa nasiib darro ah un dhimasho, dhaawac iyo burbur Hanti uu ka dhasho qabashadii Mukhtaar Roobow oo loo soo xiray si baal marsan sharciga maadaama aan amar maxjamadeed lagu soo qaban” ayuu ku yiri shir jaraa’id Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal ayaa dowladda Federaalka ugu baaqay in musharaxa xiran Mukhtaar Roobow xorriyadiisa dib loogu soo celiyo sida ugu dhakhsaha badan looma ogolaado in uu degaankiisii ugh laabto si nabad ah.
Guddoomiye Mursal aya sidoo kale Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay dib u dhigaan doorashada Madaxweynaha inta laga helayo jawi xasiloon oo ku haboon qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.
Guddoomiyaha ayaa ugu dambayn tacsiyay xildhibaankii ka tirsanaa Baarlamaanka Koonfur Galbeed ee shalay lagu dilay magaalada Baydhabo iyo dadkii kale ee ku dhintay rabashahada ka taagan magaalada Baydhabo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin xaalada iyo rabshadaha ka taagan magaalada Baydhabo ee xarunta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay Xukuumadda Soomaaliya in ay caburinta ka dayso Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee isaga soo booqanaya iyo in u ogolaato in ay soo booqdaan si xalka looga gaaro khilaafka ka dhasha mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo.
Waxa uu sheegay in Baarlamaanka mar dhaw shaqadiisa uu bilaabi doono isagoo sheegay in ay ku shiri doonaan xarunta Golaha Shacabka iyo Villa Hargeeysa oo inta badan ay ku shiraan Guddiga joogta ah ee Baarlamaanka.