Guddoomiye Mursal oo gaaray dalka Burkina Faso

652

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Waagadhugu ee caasimadda dalka Burkina Faso.

Waxaa garoonka diyaaraha ee magaalada Waagudhugu ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Burkina Faso oo uu ugu horeeyo Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xubno kale oo Baarlamaanka tirsan.

Guddoomiye Mursal iyo dhigiisa dalka Burkina Faso Alassane Baka Sadandé oo shir jaraa’id ku qabtay qeybta nasashada ee garoonka diyaaradaha ee magaaladda Ouagadougou (Wagadhugu) ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxa guud ahaan madaxda dalka Burkina Faso gaar ahaan guddoonka Baarlamaanka uga mahad celiyay soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa ,waxaana uu sheegay in mudada ay joogaan ay ka qeygeli doonaan kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelineyso dowladda Burkina Faso,sidoo kalena shirkan uu Soomaaliya muhiimad gaar ah u leeyahay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Purkina Faso Alassane Baka Sakandé ayaa dhankiisa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay dalka Burkina faso waxa uuna sheegay in ka dowlad ahaan ay sharaf u tahay in wafdi Soomaaliya ka socda ay dalkooda kusoo dhoweeyaan.

Berri ayaa la filayaa in dalka Burkina Faso oo ku yaala galbeedka Afrika uu ka furmo kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanada dowlaha Islaamka oo sanadkiiba mar la qabto.