Guddoomiye Mursal oo caddeeyay inuu ‘burey’ mooshinkii xil ka qaadista Madaxweynaha

663

Muqdisho (UM) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay laga tanaasuley mooshinkii xilka qaadista ee laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal oo war qoraal ah soo saaray xalay ayaa caddeeyay kaddib markii uu xeeriyay qodobo badan oo ay ka mid tahay in maxkamaddii dastuuriga aysan dhisnayn, in 14 Xildhibaan oo ka dhacwooday in saxiixooda laga been sheegay oo aysan saxiixin iyo marxalaha siyaasadeed ee dalka uu ku jiro in Mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweyne Farmaajo uu “burey” shalay oo taariikhdu ahayd 20 December, 2018ka.

Guddoomiye Mursal ayaa sidoo kale sheegay in Xildhibaannadii soo gudbiyay mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha ay ka tanaasuleen iyaga u turaya xaalada dalku ku jiro, isagoo sheegay in xaqoodii dastuuriga ahaa ay ka tanaasuleen.

Mooshinka xilka qaadista Madaxweynaha Soomaaliya oo 9 bishaan December laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo uuna qabtay Guudoomiye Mursal ayaa dhaliyay khilaaf xoogan ka dhexdhaliyay guddoonkan Golaha Shacabka iyo dowladda.

Inta badan Xildhibaannada Baarlamaanka iyo labada Guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka ayaa horrey ugu tilmaamay mooshinka Madaxweynaha laga gudbiyay mid aan sharciga waafaqsanayn maadama maxkamadda Dastuurka ee dacwaha kala saari lahayd aysan dhisnayn iyo in sido kale dano siyaasadeed laga leeyahay.