Muqdisho – Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa 15 xubnood oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka joojiyay 5 kalfadhi oo soo socda in ay ka qaybgalaan.
Warqad uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa 15kaan Xildhibaan looga joojiyay kalfadhiyada Baarlamaanka kaddib markii Guddoonku ke eedeeyay in ay is hortaag ku sameeyeen kalfadhiga Baarlamaanka.
“Anigoo tixraacay warqada sumadeedu tahay GSH003/B-10 /12/21 ee ka soo ba
Xafiiska Habdhawrka Golaha ee ku taariikhaysan 27/3/2021, waxaan si waafu
warbixinta Habdhowraha, xubnaha magacyadooda hoos ku xusan yahay ee horjoo ku sameeyey fadhiga Golaha 27kii Maarso 2021 laga joojiyey shan (5) fadhi laga bila
taariikhda warqadan iyaga oo ku xadgudbay Qodobka 16aad (1), (2), Qodobka 1
faqrada (a), (b), Qodobka 19aad fagrada laad (b), (c), (d), (e), (6), ) iyo Qodobka 2
fagrada 5aad (n) iyo Qodobka 4aad ee Xeerhoosaadka Golaha Xubnaha kale ce
xaadiray fadhiga Golaha ee si ku talagal ah u saxiixi waayey maxdarka si ay hor istang
sameeyaan guntanka waxaa la farayaa Habdhowraha Golaha in uu magacyadooda u
gudbiyo Guddoomiyaha si waafaqsan qodobka 23aad faqrada 16aad”. Ayuu lagu yrii qoraalka ka soo baxay Xaafiiska Guddoomiye Mursal.
Xildhibaanadaan Guddoonku warqada ka soo saaray ayaa dhankooda ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu doonayo in Xukuumadda iyo Hey’addaha kale ee dowladdu uu muddo kordhin u sameeyo.
XUBNAHA LAGA JOOJIYEY FADHIYADA:
1. Xil. Elmi Mohamed Nur
2. Xll. Hussein Qasim Yusuf Idow
3. Xil. Mustaf Sh Ali Dhuhulow
4. XII. Abdulahi Mohamed Nur
5. Xll. Mahad Maxamed Salaad
6. XII. Abdirasaq Omar Mohamed
7. XII. Mohamud Abdirahman Beene beene
8. XII. Mohamed Ali Omer
9. XII. Faisal Abdille Guled
10.XII. Abdullahi Yusuf Hassan – Alankey
11.XII. Abdirashid Mohamed Xidig
12.XII. Jibril Abdirashid Haji
13.Xil. Mohamed Ahmed Abtidon
14.XII. Sadiq Hirsi Warfa
15.Xil Hassan Abdi Ismail – Hassan Yare