Muqdisho (UM) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan aya sheegay in aan la aqbali doono in lagu xadgudbo sharafka iyo xasaanada xildhibaannadda Baarlamaanka ay leeyahayihiin.
” Ma aqbali doono in lagu xadgudbo sharafka iyo xasaanada xildhibaanka uu leeyahay, saraakiisha hay’addaha amniga waxa faraya in ciidamada ay ku wacyi geliyaan ixtiraamka xildhibaanada Qaranka ay leeyihiin”. Ayuu yiri Guddoomiye Mursal.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in maanta ciidamada amniga ee ku sugan waddooyinka magaalada Muqdisho ay ku xadgudbeen qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka oo kulan kulahaa xarunta Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada ay tahay in ay dhawranaa xasaanada xildhibaanka, isagoo sheegay in arrintii maanta dhacay loo xilsaaray Guddiyada Difaaca iyo amniga ee Baarlamaanka si ay baaritaan ugu sameeyaan muddo 48 saac gudaheed ah.
Xildhibaannada oo maanta kulan kooda caadiga ah lahaa ayaa qaar ka mid ah sheegeen in ciidamada amniga sugaya ee ku sugan waddooyinka magaalada at xadgudbeen oo xitaa amnigooda qatar galay.
Waxaa saaka la xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho wafdiga Wasiirada arrimaha dibadda Eritereeya iyo Itoobiya oo Muqdisho imanayay awgeed.