Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa maanta oo Tallaado ah magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Qin Jian.
Gudoomiyaha iyo Safiirka ayaa la sheegay in ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Shiinaha (China).
Guddoomiye Jawaari ayaa kulankooda inta uu socday ka wada hadlay Safiirka isku xirka Baarlamaannada Soomaaliya iyo Shiinaha, mashaariicda lagu horumarinayo Baarlamaanka Soomaaliya iyo arrimo kale sida kulanka ka dib uu warbaahinta u sheegay Cabdi kariin Xaaji Cabdi buux oo ah Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Soomaaliya.
Dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya Xiriir soo jireen ah oo dhinacyo badan isugu jira, iyadoo Dowladda Shiinaha ay Soomaaliya ka taageerto waxyaabo ay ka mid yihiin dhinacyada waxbarashada.