Guddoomiye Jawaari oo shir guddoomiyay shir Muqdisho ay ku yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka

847

Muqdisho (UM) – Waxaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka, kulankaasi oo uu shir gudoomiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.

Kulanka oo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin xiisada mooshinka kalsooni kala noqoshada Guddoomiyaha Golaha Shacabak.

Ugu dambayntii waxaa laga soo saaray kulanka ay yeesheen Guddiga joogtada ah, in maalinta sabtida ah kulanka caadiga ah ee Baarlamaanka uu dib u bilaaban doono Guddoomiye Jawaari uu shir guddoomin doono. Waxaa sidoo kale Guddigu iclaamiyeen in ajanadaha kulanka looga doodi doono uu noqon doono arrinta ka taagan magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.

Shirkaan ayaa imanaya iyadoo uu horrey u shaaciyay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Muudday in 31-Ka bisha Maarso uu furmi doono kulanka Baarlamaanka iyada oo ajanduhuna uu yahay mooshinka kalsooni kala noqoshada Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibaannada golaha shacabka ee ka tirsan koox Baarlamaanka ka dhex samaysan oo la yirahdo  mise la baxay “Badbaado”  ayaa xalay qoraal  uu soo qaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari waxaa uu ku wargeliyay in uu maanta qabto kulankan.

Golaha shacabka, waxaa ka jira khilaaf adag iyada oo lagu guul-dareystay dhammaan xalkii iyo isku-deygii ay sameeyeen golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa hey’adda keliya ee isku xil-qaantay dhex-dhexaadinta iyo xal u raadinta khilaafka golaha shacabka.

Waxaa cirka isku sii shareeray xiisada siyaasadeed ee ka taagan Golaha Shacabka Soomaaliya, iyada oo aan la ogayn halka ay ku dambayn doonto.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Mr Jawaari ayaa horay u sheegay in Mooshinka isaga ka dhanka ah ay soo abaabushay Xukuumadda.