Muqdisho (UM) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in uu ogolyahay mooshinka laga soo gudbiyay isaga, diyaarna uu u yahay in codka kalsooni kala laabashada loo qaado. Guddoomiye Jawaari oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho maanta ayaa inuu dhammaaday oo xal laga gaaray khilaafkii ka dhashay mooshinkii kalsooni kala noqoshada.
Waxa uuna sheegay inuu ogolaaday in mooshinkaasi uu jiro, loo baan yahay si waafaqsan xeer hoosaadka Golaha Shacabka in lagu maamulo kaasi oo dhigaya in mooshinkaas muddo 10 maalmood gudahood ah lagu horgeeyo Xildhibaannada Baarlamaanka si ay cod ugu qaadaan.
Guddoomiyaha ayaa ka codsaday Xildhibaannada mooshinka wada in ay u hogaansamaan xeer hoosaadka Golaha Shacabka, isagoo sidoo kale ka codsaday Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka in ay go’aan ka gaaraan waqtiga la qabanayo mooshinka si la soo afjaro arrimahaan.
Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in xarunta Golaha Shacabka ay ku jirto gacanta laanta fulinta (Xaafiiska R/wasaaraha) isagoo ku baaqay in laga dulqaado ciidamadasi laguma soo celiyo gacanta ciidamadii hore u joogay si hawlahii Baarlamaanka u sii socdaan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ilaa iyo intii uu soo maamullayay Golaha Shacabka uu goobjoog u ahaa isbedelo waa wayn oo dalka ka dhacay, taasi oo madax tartan doorasho wada galay ay kala guulaysteen kaddibana si nabad ah xilalka isugu wareejiyeen oo cod lagu kala baxay, isaguna oo sidaasi oo kale uu diyaar u yahay in cod lagu kala baxo, haddii laga guulaystana si nabad ah uu ku wareejinayo kursiga. Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in uusan kursiga xoog ku fadhinin, uuna cod ku yimid, codna uu uga dagayo.
” anniga kuma imaanin xoog, cod baan ku imid, cod baan ku fadhiyaa,codbaana ku tagayaa, sidaas darteed waxan diyaar u ahay, codkii in la qaado, Golaha la geeyo sida xeer hoosaadku yahayna loo hogaansamo” Ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.
Mooshinada iska soo horjeeda iyo xiisada siyaasadeed ee ka taagan Xukuumada iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxa ay saameyn ku yeelatay hawlaha Baarlamaanka iyo Xukuumadda.