Muqdisho (UM) – Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Maanta la kulmay Howlwadeenada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalma Soomaaliya.
Kulankaan oo ay goobjoog ahaayeen inta badan howlwadeenada golaha shacabka ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Golaha Shacabka.
Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Golaha shacabka ayaa ugu horeyntii waxaa hadal dheer oo dhinacyo badan taabanayay ka jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,Guddoomiye Jawaari ayaa ku dheeraday Muhiimada Howlwadeenada ay u leeyihiin habsami u socodsiinta howsha baaxada wayn ee Golaha waxa uuna sheegay in ay laf dhabar u yihiin shaqada golaha shacabka waxa uuna uga mahadceliyay howsha baaxada wayn oo ay hayaan.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay qaar ka mid Howlwadeenada Golaha Shacabka oo Guddoomiyaha uga mahadceliyay kulankaan muhiimka ah oo uu maanta la qaatay shaqaala Golaha Shacabka waxa ayna uga mahadceliyeen maamulka wanaagsan uu ku hogaaminayo habsami u socodsiinta hawsha Golaha Shacabka.