Guddoomiye cusub oo loo doortay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda

300
Guddoomiye cusub oo loo doortay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda: ICJ

Waxaa guddoomiyaha maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Nederland  loo doortay garsoore u dhashay Maraykanka oo lagu magacaabo Joan E Donughue, halka ku xigeenkiisa loo doortay garsoore u dhashay Ruushka oo lagu magacaabo Krill Gevorgian.

Muddo xileedka labada garsoore ayaa noqonaya muddo saddex sano. Garsoorryaashaan ayaa baddalaya Garsoore Cabdulqawi oo madax u ahaa maxkamadda ICC iyo ku xigeenkiisii hore.

Labada garsoore ee loo doortay jagooyinka ugu sarreeya ee maxkamadda   ayaa xubin ka ka kala ahaa ilaa iyo  9  September 2009, halka kan kelena uu xubin ka ahaa ilaa  6 Febraayo 2015.

Magacaabistooda ayaa kusoo aadeysa iyada oo 15-19 bisha Maarso ay maxkamadda caddaaladda dhageysan doonto dacwo dhanka badda ah ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Keenya.

Doorasho ka dhacday goleyaasha ammaanka iyo kan loo dhanyahay  ee Qaramada Midoobay 12kii  bishii November ayaa lagu doortay xubnaha maxkamadda maadaama 6daa bisha Febraayo ee sanadkaan uu dhacayay waqtigooda.

Waa kuwaan xubnaha maxkamaddu ka koobantahay iyo dalalkooda

Guddoomiyaha maxkamadda: Joan E Donoghue, u dhashay Maraykan.

Guddoomiye ku xigeen: Kiriil Gevorgian, u dhashay Ruushka

Garsoore: Peter Tomka, u dhashay Slovakia

Garsoore: Ronny Abraham, u dhashay Faransiiska.
Garsoore:Mohamed Benouna , u dhashay Marooko

Garsoore:Antonio Augusto Cancado Trindade, u dhashay Brazil.

Garsoore:Abdulqawi Ahmed Yusuf, u dhashay Soomaaliya.

Garsoore:Xue Hanqin, u dhashay Shiinaha

Garsoore: Julia Sebutine, u dhalatay Ugandha.

Garsoore: Dalveer  Bhandari u dhashay Hindiya.

Garsoore: Patrick Lipton Robinson , u dhashay Jamayka.

Garsoore: James Richard Crawford, u dhashay Australia.

Garsoore: Nawaf Salam , u dhashay Lubnaan.

Garsoore:  Iwasawa Yuji u dhashay Japan
Garsoore: George Nolte, u dhashay Jarmalka.

SHARE