Guddoomiyaha Maxkamadda Gobalka Banaadir oo la magacaabay

1080

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi_Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxakamadda Racfaanka Gobolka Banaadir kadib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka  Baashe Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda G/ Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Muuse Macallin Maxamed, halka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullaahi isagana loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir.

Waxaa arrintan lagu xaqiijiyay barta Twitter ka ee madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia) ayadoo sidoo kale tallaabadan Ku tilmaantay inay tahay mid madaxwaynaha uu Ku hergalinayo balanqaadkiisii Ku aadnaa wax ka qabashada cabashooyinka ka taagan dhinaca caddaaladda.