Guddoomiyaha ismaamulka Garissa oo loo xiray isku day dil

807
Guddoomiyaha Gaarisa:Cali Bunoow Qorane

Guddoomiyaha ismaamulka Gaarissa Cali Bunoow Qorane ayaa loo xiray toogasho loo geystay madaxii hor  ee maaliyadda ismaamulka Gaarisa Idriis Mukhtaar sidaas waxaa qoray qaar ka mid ah warbaahinta dalka Kenya.

Koox hubeysan ayaa 20kii bishaan Agoosto waxa ay weerar ku qaadeen madaxii maaliyadda ismaamulka Gaarisa isaga oo markaa ka soo baaxy masaajid ku yaalla xaafadda Kileleshwa ee magaalada Nairobi.Kooxaha weerarka ku qaaday ayaa rasaas madaxa kala helay Idriis Mukhtar, isaga oo wali ku jra isbitaalka Nairobi.

Ciidanka danbi baarista Kenya oo dabagal ku sameeyay falka ayaa  soo qabtay rag ku eedeysan fal dambiyeedka qaarijinta, iyada oo ugu danbeeyna raadkii uu galay guddoomiayha Gaarisa Cali Bunoow Qorane.

Ciidanka Booliska Kenya ayaa ilaa iyo subixii horfadhiyay guriga uu ka daganyahay magaalada Nairobi guddmooyiyaha Gaarsia , iyaga oo ugu danbeyntiina soo xiray 5tii subaxnimo. Booliiska ayaa u kaxeeyay guddoomooyiha xaruunta dambi barista halkaas oo suaalo lagu weedyiinayo.

Madaxii maaliyadda ee weerarka lagu qaaday ayay in muddo ah  khilaaf ka dhaxeeyay guddoomiyaha Gaarisa Cali Bunow qorane. Horay ayuu guddoomiyaha shaqada uga eryay Idriis Mukhtaar , taas oo keentay in dacwad ka dhan ah ceyrintiisa ka furo dalka Kenya.Maxkamaddii ayaa ugu danbeyn amartay in magdhaw gaaraya 50 Milyan oo shillinka Kenya ah la siiyo Idriis Mukhtaar madaama sifo aan sharci aheyn shaqada looga eryay.