Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay xarunta degmada Wadajir

794

Muqdisho (UM) – Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisoow ) ayaa dhagax dhigay maanta Xarunta degmada Wadajir taasi oo ku burburtay weerar qarax gaari ah oo lagu qaaday bartamihii sanadkii hore.

Duqa magaalada Muqdisho oo ay wehliyaan Guddoomiyaha degmada Wadajir iyo iyo xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay maamulkiisa oo isku duuban uu ka shaqayn doono horumarka Caasimadda iyo dib u dhiska xarumaha dantaguud ee degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Eng.Yarisoow oo toddobaadkaan xilka Gudddoomiyaha iyo Duqa Muqdisho la wareegay ayaa la filayaa inuu isbedel dhanka horumarka ah iyo bilicda ku soo kordhiyo magaalada Muqdisho.

SHARE