Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisoow) ayaa maanta dhagax Dhigay wadada via rooma ee degmada Xamarweyne.
Gudoomiye C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa sheegay inay sii Wadi Doonan dhismaha iyo dayactirka wadooyinka Gobolka Banaadir.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa Xusay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay Sidii uu dib ugu soo nooleyn lahaa adeegyada muhiimka u ah bulshada ku nool gobolka Banaadir.