Muqdisho (UM) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho ergeyga cusub ee Soomaaliya Nicholas Haysom oo dhawaan dalka soo gaaray.
Kulanka kaddib ayaa Duqa Muqdisho sheegay in ergeyga cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay ka wadahadaleen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya, arrimaha Siyaasadda iyo horumarada la gaaray siddeedii bilood ee la soo dhaafay ee xilka uu hayay maamulkiisu.
“Qaramada Midoobay waxa ay Soomaaliya ka caawisaa arrimo badan, maamulka Gobolka Banaadir wuxuu adkeeyey xiriirka aan la leenahay hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay. Mr Haysom waxaan isla soo qaadnay xoojinta xiriirka naga dhaxeeya ee arrimaha Siyaasadda, horumarka Caasimadda iyo kaalinta uga aadan”. Ayuu yiri duqa Muqdisho.
Dhankiisa, Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee ee uu ka helay Duqa Muqdisho, kuna ammaanay doorkiisa hogaamineed ee horumarka caasimada ka jira.
Nicholas Haysom oo dhawaan loo soo magacaabay wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa bishaan Muqdisho soo gaaray, isagoo beddelay Micheal Keating.